Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo Shaacisay Waqtiga Ay Tababarka Kusoo Labanayaan Xidigaheeda

Barcelona Oo Shaacisay Waqtiga Ay Tababarka Kusoo Labanayaan Xidigaheeda


Barca

Xidigaha Barcelona ee kusoo fashilmay iney ka gudbaan wareega groupyada ayaa kusoo guryo noqon doona Garoonka Camp Nou 24-ka July, halka xidigaha ka gudbay wareegyada balse aan sii fogaan sida ALexis Sanchez iyo Bravo ay afar maalin kasoo dib marayaan waqtigaas iyagoo soo gaari doona  Camp Nou 28-ka July.

Sidoo kale Zubizarreta ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arinta Xavi Herandnez sidoo kale wuxuu cadeeyay in Pedro Rodriguez uusan iib aheyn sidoo kale Adriano balse wuxuu cadeeyay in Alexis ay ka heleen dalab kooxoo kale.

Intii ay socotay bandhigii lagu soo bandhigayay saxiixa cusub Ivan Rakitic, maareeya ciyaaraha kooxda Zubizarreta ayaa ku dhawaqay in xidigaha reer Spain, Ivan oo Croatia ah iyo Song oo Cameroon ah ay soo gaari doonaan 24-ka July Camp Nou iyagoo tababarkooda bilaaban doona, halka Alexis iyo Bravo ay 4-maalin ka dambeynayaan sidoo kale kooxda kama aysan hadlin wiilasheeda baaqiga kusii ah koobka Adunka ee ka tirsan Brazil Neymar JR & Dani Alves kuwaas oo kadib haritaankooda ama ku guuleysigooda la shaacin doono mudada ay imaanayaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close