Kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa dooneysa iney 2 Malyan Oo Pound ka faa’iido qiimaha Alexis Sanchez kadib markii ay Liverpool ku wargelisay qiimaha xidigaan heerka caalami ee wadanka Chile.
Kooxda Catalanka ee ku ciyaarta garoonka Camp Nou ayaa ALexis kusoo iibsatay 30 Malyan Oo Pound sanadii 2011 iyadoo kasoo qaadatay kooxda Udinese ee horyaalka talyaaniga, balse haatan waxey madaxiisa duldhigtay 32 Malyan Oo Pound.
Kaliya maahan iney qiimaha Sanchez ku wargalisay Liverpool, balse sidoo kale waxaa xidigaan xiiseynaya kooxaha Juventus, Manchester United & Arsenal.
Kooxda Barcelona ayaa quuldareyneysa iney lasoo saxiixato Luis Suarez oo lagu qiimeeyay 80 Malyan.
Reds ayaa iyadana diyar u ah iney qiimaha Suarez uu ugu wareegayo Barcelona ay qeyb ka dhigto Saxiixa Sanchez taasoo noqon karta in Liverpool ay dhiibto Suarez halka Barcelona ay dhiibi doonto aduun dhan 50 Malyan iyo Alexis Sanchez.
Profile