Naadiga Barcelona ayaa u dirtay dalka Brazil wafdi heer caalami ah kuwaas oo wada xaajood la furi doonaan daafaca xulka Croatia Dejan Lovren oo haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa, laacibkan ka tirsan naadiga Southampton waxaa dhawaanahan ku raad joogtay kooxda Liverpool oo aaminsan inaan laga xigin balse wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Barcelona ay xusul duub ugu jirto daafacan awooda badan oo qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigay kulankii ugu horeeyay ee xulkiisa la cayaareen xulka Brazil.
Wargeska Daily Mail ayaa sheegay in Dejan Lovren uusan kooxdiisa Southampton sidoo kalena uu doonayo inuu agaagan ku biiro naadi awood badan oo koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonto inkastoo uu diyaar u ahaa inuu dalabka Liverpool aqbalo hadaan wakiilkiisa ayaa Daily Mail u sheegay in Lovren ay sharaf weyn u tahay inay Barcelona xiiseyneeso saxiixiisa sido kalena wuxuu sheegay inay isku bar bar dhigi doonaan dalabka Barcelona iyo kan Liverpool kadibna ay qaadan doonaan go’aankii dan weyn ugu jirto.
Dejan Lovren ayaa hormar weyn sameeyay dhawaanahan wuxuuna xili cayaareedkii hore ka mid noqday daafacyada uu wanaagsan Premiership-ka waana sababta keentay inay Liverpool saxiixa ku mashquusho hadaba kooxda Reds haatan waa inay hurdada ka kacdaa hadii kale daafac aad u wanaagsan ayay lumin doontaa.