Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo La Xiriirtay Wakiilka Daafaca Ugu Muhiimsan Atletico Madrid, Waa Kuma?

Barcelona Oo La Xiriirtay Wakiilka Daafaca Ugu Muhiimsan Atletico Madrid, Waa Kuma?


Barca speak to Miranda agent

Uma baahna cadeyn in Barcelona ay u baahan tahay daafac dambeed buuxa oo leh awood aan caadi aheyn madama ay hoos u dhac baahsan gashay xili ciyaareedkii naga gadaal maray.

Maareeyaha ciyaaraha kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa si toos ah ula xiriiray wakiilka Daafaca reer Brazil ee kooxda Atletico Madrid Joao Miranda kaas oo badal macquul ah u noqon kara wiilka reer Argentina ee lugaha kala sii baxaya Camp Nou Javie Mascherano.

DARBIGA ADAG EE ATLETICO MADRID

Sidoo kale da’yarka reer Brazil Marquinhos ayaa u muuqda dooq kale oo muhiim ah oo ay Barca ku raad joogto balse sida ay shaacisay Daily Mail wakiilka xidigaan ayaa la hadlay maamulka Barcelona.

Miranda oo ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan Atletico Madrid ayaa muujiyaya awoodiisa xili ciyaareedkaan madama uu kooxda ka saaciday iney ku guuleysato La Liga sidoo kalana ay kaalinta labaad ka galaan Champions League.

29-jirkaan Atletic ka tirsan ayaa aad uga raqiisan Marquinhos oo ay leedahay Paris Saint Germain waxaana la filayaa in Barcelona ay soo qaadato hadii labada kooxood ay isku fahmaan xaaladaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close