Barcelona ayaa iska adkeyneysa boosaska dambe iyadoo lasoo saxiixatay goolhayihii labaad kadib markii ay heshiis afar sano ah ka saxiixday goolhayaha kabtanka u ah xulka Chile Claudio Bravo.
Barcelona ayaa si rasmi ah u cadeysay iney Bravo uu xili ciyaareedka dambe xiran doono maaliyada Bulgarana xili uu haatan ka qeyb qaadanayo Koobka Aduunka ee Brazil ka socda waxeyna ku beegmeen Brazil wareega 16-ka.
Bravo oo 31-jir ah ayaa noqonaya saxiixii labaad ee dhanka goosha kadib goolhayaha reer Jarmal ee Ter Stegen kaas oo kaga yimid kooxda Borrusia Monchengladbach.
Barcelona ayaa ku cadeysay qoraalkeeda iney 12 Malyan Oo Euro kula soo saxiixatay goolhayahaan ka tirsanaa kooxda Royal Society ee dalka Chile.
Barcelona intii uu socda koobka Aduunka waxey kaloo la saxiixatay kabtankii Sevilla iyo Xulka Croatia Ivan Rakitic kaas oo haatan xulkiisa uu kasoo guryo noqday Dalka Brazil madama ay ka hareen tartanka.
Goolhayaha da’da yar ee Ay Barcelona lasoo wareegtay Ter Stegen (B. Monchengladbac) ayuu kaga yimid
Profile