Madaama kooxda Barcelona ay si rasmi ah u fasaxday Xavi sidoo kalena Cesc Fabregas ay ka iibisay kooxda Chelsea waxay haatan kooxda reer Spain u weecatay sidii ay ugu guuleesan laheed saxiixa Toni Kroos oo ay haatan isku heestaan dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan, Kroos ayaa ka biyo diidan inu kooxdiisa Bayern Munich heshiis cusub u saxiixo waxaana maalin walbo magaciisa lagu dhex hayaa suuqa Yurub inkastoo ay xidigan saxiixiisa horey qal qaalo ugu jireen kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Man United hadana Barcelona ayaa isku kalsoon inay gacanta kusoo dhigi karto 24-jirkan madaama ay xiriir wanaagsan la leedahay kooxda Bayern Munich.
Macalin Luis Enrique ayaa taageero weyn u ah Kroos wuxuuna maamulka Barcelona u sheegay in booska Xavi xidigan oo kaliya uu buuxin karo sidaa darteed Barcelona oo sanadkii hore Bayern ka iibisay Thiago Alcantra ayaa markan dooneyso inay dhigeeda la fariisato soona xasuusi sidii ay sanadkii hore wanaajiyeen madaama Thiago oo kooxo badan isku heesteen ay Barcelona go’aansatay inay Bayern ku wareejiso, wargeska The Bild ee kasoo baxo dalka Jarmalka ayaa sadaalinaayo in dab yaaqada todobaadkan ay Barcelona dalab rasmi ah u diri doonto dhigeeda Bayern madaama Kroos qandaraaskiisa ka harsan yahay 12-bilood oo qura waxay Barcelona aaminsan tahay inay kula soo saxiixan karto 25-milyan oo pound.
Profile