Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Barcelona ay diyaar u tahay inay dhigeeda Man United kala xaajooto qaabkii Cesc Fabregas looga iibin lahaa inkastoo kubad sameeyahan uu bilawgii xili cayaareedkan ku guul dareestay inuu Man United ku biiro hadana maamulka Barcelona ayaa isku raaceen in Cesc la iska fasaxo madaama waxqabadkii laga filaayay laga heli waayay sidaa darteed Barcelona ayaa xariir toos ah la sameesay United waxayna ka rajeynee inay xagaagan Cesca iibsan doonto, xidigan horey ugu cayaari jiray naadiga Arsenal sidoo kalsoonida taageerayaasha Barcelona ayuu lumiyay madaama ay codsadeen in Cesc la iibiyo arinkaan cadaadiska ku haayo ayaa Fabregas ku qasbi doono inuu dalabka Man United aqbalo sidoo kalena Premiership-ka England dib ugu soo laabto.
26-jirkan xulka Spain ka tirsan isaga muhiim ayay u tahay inuu isbadal sameeyo waxaana dhawaan la taliyay macalinka xulka Spain Vicente del Bosque oo u sheegay inuu boos joogto ah Barcelona ka helo ama uu naadi kale u dhaqaaqo sidaa darteed Fabregas oo ka mid ah xidigaha caalamka ugu tayada wanaagsan diyaar ayuu u yahay inuu isaga hayaamo kooxdi uu yaraantiisa kusoo bar baaray sidoo kalena uu waligiis ku riyoon jiray inuu ka dhex muuqdo, xidigan ilaa haatan wuxuu Barcelona u saftay 146-kulan asigoo u dhaliyay 42-gool waxayna Barcelona lacago badan kaga soo iibsatay kooxda Arsenal dhowr sano ka hor balse marnaba kaalintiisa kama soo bixin sidaa darteed maamulka Barcelona waxay la xariireen Man United oo ay ka rajeynayaan inay xagaagan iibsan doonto balse waxaa la sadaalinaa in Barcelona qiimahii ay horey ugu soo gadatay xidigan ka hoose xagaagan lagu iibsan doono!