Kooxda Barcelona ayaa lagu wadaa inay ku garaacdo Real Madrid Saxiixa Luiz Suarre, Kadib Markii ay miiska soo saartay £52m sida uu Maanta uu qoray Wargeyska Caanka ah ee Spain El Mundo Deportivo.
Kooxda Barcelona ayaa la sheegay inay ku guuleysan karto Saxiixa Xidigaan Maadaama Uu Barcelona saaxiib kula noqon doono Xidigaha Caanka ah Lionel Messi iyo Neymar.
Wargeyska ayaa ku waramayo in Liverpool ay awal sheegtay inay Suarez ku fasaxi karto £68m Laakiin ay badashay Go’aankaas waxayna carabka ku dhufatay inay ka iibin doonto Real Ama Barcelona midii miiska soo saarto £52m, sidaas darteed Wargeyska ayaa sheegay In Barcelona ay diyaar la tahay lacagtaas.
Real Madrid ayaa dalabyo kala duwan oo kala qiimo ah u dirtay Suarez welina ma aysan ka gaarin natiijo la taaban karo, haddana waxaa loolanka lasoo gashay kooxda ay sida xun u xifaaltamaan ee Barcelona.
Wargeyska ayaa sidoo kale qoray erayo muujinaya in Suarez uu aad ugu faraxsan yahay inuu Barcelona kamid noqdo isago rajeenayo inuu Iskooro badan halkaas loogu qoro.
Hadalka Barcelona ayaa imaanayo XIlli Suarez uu xalay wacadaro ka dhigay kulankii ay 2-1 uga adkaadaan Xulka England Markii uu Laba jeer Shabaqa soo taabtay.