Home » Horyaalada » La liga » Barcelona Oo 56 Malyan Miiska U Saareysa Manchester City Si Ay Kaga Hesho Sergio Aguero

Barcelona Oo 56 Malyan Miiska U Saareysa Manchester City Si Ay Kaga Hesho Sergio Aguero



Kooxda Barcelona ayaa diyaar la ah iney bixiso qarash fara badan si ay u hesho weeraryahanka reer Argentina iyo kooxda Man City Sergio Kun Aguero waana qorshe uu damacsan yahay tababaraha cusub ee kooxda Luis Enrique sida ay qortay Dialy Star.

Arintaan Aguero iyo Barcelona waxaa xiiso usii yeelay aabaha dhalay Aguero kaas oo todobaadkii hore shaaciyay in wiilkiisa uu daneynayo ku biiritaanka kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

Barcelona ayaa diyaar u ah iney iska iibiso Cesc Fabregas kaas oo ay isku heystaan kooxaha Man United, Man City, Arsenal & Chelsea iyadoo sidoo kale maanka ku heysa iney iibiso Alexis Sanchez iyadoo lacagaha ay labadaas ciyaariyahan ka hesho u isticmaali doonto saxiixa Sergio Aguero.

Manchester City ayaa 38 Malyan kusoo iibsatay xidigeeda reer Argentina kaas oo 2011 kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid ee horyaalka Spain wuxuuna u dhaliyay 75-gool, isagoo saftay 122-kulan wuxuuna kooxda ka saaciday iney ku guuleysato horyaalka Ingiriiska laba jeer iyo koobka League Cupka.

Hadii xitaa Aguero uu codsado in la iibiyo isla markaana ay ku iibsato 56 Malyan Manchester City ayaa heli doonta faa’iido fiican madama ay 38 Malyan kusoo iibsatay.

Ugu dambeyntiina barcelona ayaa diyaar la ah iney Aguero ku lamaaniso Lionel Messi si weerarka kooxda loo xoojiyo madama ay dagaal weyn gali doonaan xili ciyaareedka soo aadan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close