Kooxaha ugu quwada weyn qaarada yurub ayaa ku tartami doona saxiixa garabka xulka Colombia iyo Kooxda Fiorentina Juan Cuadrado inkastoo kooxaha reer Ingiriis ee Manchester United iyo Arsenal ay ka baxeen tartanka loogu jiro saxiixa xidigaan heerka caalami.
Cuadrado ayaa muuqaal wanaagsan kaga soo muuqday Serie A-da xili ciyaareedkaan waxaana labadaan kooxood ay doonayaan iney door muhiim ah siiyaan marka uu suuqa kala iibsiga qaarada yurub furmo.
Sidoo kale kooxaha Zenit iyo Real Madrid ayaa ku jira kooxaha safka ugu jira xidigaan, balse sida ay shacisay La Repubblica kooxahaan ka kala dhisan Spain iyo Jarmalka ayaa ugu cad-cad.
Cuadrado ayaa sidoo kale daneynaya inuu kasoo dhexmuuqdo qaarada yurub isagoo ka mid ah xidigaha xulka Colombia uga qeyb qaadan doona Koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona bisha soo aadan.
Kooxaha Udinese iyo Fiorentina ayaa isla wadaaga heshiiska xidigaan, waana arin dhibkeeda leh in xidig ay laba kooxood leedahay heshiis lala gaaro.