Kabtankii hore ee xulka Jarmalka Michael Ballack ayaa dhaliil weyn usoo jeediyay nidaamka ama shaxda uu macalin Joachim Low xulka Jarmalka cayaarsiiyay labadii kulan ee ugu horeesay oo ay koobka aduunka cayaareen wuxuuna Ballack soo jeediyay in si gaar ah kabtanka Jarmalka Philipp Lahm dib loogu celiyo booskiisii daafaca garabka midig wuxuuna Ballack yiri “ma fahmin sababa uu Low kaga cayaarsiinayo Lahm khadka dhexe wuxuu aad ugu wanaagsan yahay daafaca waayo waa xidig karoos fiican sidoo kalena aad u yaqaan dhulkiisa” Ballack oo ah halyee xulka Jarmalka guulo taariihi ah la qeebsaday wuxuu yiri “muran kama taagno Lahm inuu yahay laacibka xulka Jarmalka ugu wanaagsan sidaa darteed hadii aan doneyno inaan koobka aduunka ku guuleesano waa inaan booskiisa saxda ah a cayaarsiino”
Michael Ballack oo labo koob aduun xulka Jarmalka kala qayb qaatay (2002 & 2006) ayaa soo jeediyay in Lahm, Mertesacker, Hummels iyo Boateng daafaca gadaale laga cayaarsiiyo wuxuuna sheegay hadii macalin Low uu nimaadkaas hirgaliyo wuxuu sheegay Ballack inay Jarmalka markaas daafaciisa xasilooni heli doono, Ballack oo koobkii aduunka 2010 dhaawaca kaga maqnaaday xulkiisa Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan koobka aduunka uu yahay mid aan la sadaalin karin wuxuuna yiri “bal fiiri Italy, Spain iyo England ayaa wareega hore tartankan ku haraayo sidaa darteed sanadkan koobka aduunka lama sadaalin karo laakiin hadii aa si wanaagsan u cayaarno sidoo kalena aan qaladadaadkeena badan yareyno waan hubaa inaan hanan karno tartan qiimaha badan”
Profile