Home » Horyaalada » La liga » Atletico Madrid Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso Alvaro Negredo

Atletico Madrid Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay Ku Dooneyso Alvaro Negredo


Negredo

Weeraryahanka kooxda Manchester City Alvaro Negredo ayaa noqday dooqa koowaad ee kooxda Atletico Madrid ay ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kooxda lagu neynaaso ‘Rojiblancos ayaa xiiseyneysa Negredo iyadoo soo bandhigtay 185 Malyan oo euro oo ay bixineyso hadii ay heleyso xidigaan heerka caalami.

Si Kastaba Manchester City ayaa horay uga hadashay dalabyada Negredo iyadoo shaaca ka qaaday ineysan dhageysan doonin dalabyada ka hooseeya 30 Malyan Oo Euro.

Alvero Negredo ayaa noqon doona 29-jir, 20-ka August ee sanadaan waxaana uu sanadii hore kaga soo biiray kooxda Sevilla, balse xidigaan ayaa dhibaato ay ku noqotay kursiga keydka madama bilooyinkii ugu dambeeyay uu kursiga ka galay kooxda Edin Dzeko ayaana haqabtiray Man City.

Si kastaba kooxdaan reer Spain ayaa ku dhaqaaqeysa qorshayaal badan oo ay xal ugu helayaan badalka Diego Costa oo ku socda wadada Stamford Bridge: Lukaku, Michu & xidigo kale ayey doonayaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close