Home » Maxaa Cusub » Atletico Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Michu Si Ay Badal Uga Dhigto Diego Costa

Atletico Madrid Oo Dooneysa Saxiixa Michu Si Ay Badal Uga Dhigto Diego Costa


Michu

Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan Spain ayaa ku warantay iney xiiseyneyso saxiixa Weeraryahanka Swansea City Michu xili ay macquul tahay iney iska iibiyaan Asal Brazilka qaatay dhalashada Spain Diego Costa kaas oo ku dhaw inuu ku biiro kooxda Blues ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

Xidigaan reer Spain ayaa wacdaro ka dhigay Horyaalka Premier League kadib labo sano uu ku sugnaa garoonka Libert Stadium, Michu ayaa dhaliyay 28-gool, 67-kulan oo uu saftay balse 12-kii bilood ee lasoo dhaafay dhaawacyo dhanka muruqa ah ayaa u diiday inuu kasoo muuqdo garoomada.

Si kastaba Daily Express ayaa shaacisay in kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone ay diyaar u tahay iney Michu keento Vincent Calderon si uu badal ugu noqdo Costa iyo sidoo kale Villa oo horyaalka Mareykanka ku biiray.

Sidoo kale kooxaha Napoli, West Ham ayaa lala xiriirinayaa xidigaan heerka caalami inkastoo bishii January ay Arsenal doon dooneysay xidigaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close