Waxaa soo ifbaxay goor hore warar daafaca rug cadaaga ah ee dalka Ingiriiska Ashley Cole la xiriirinaya kooxda As Roma ee dalka talyaaniga.
Daily Mail ayaa shaacisay in 33-jirkaan heerka caalami uu u duulay magaalada Roma si uu ula kulmo maamulka kooxda Giallarossi ee ka dhisan caasimada.
Ashley Cole waa xor wuxuuna wadahadal la gali karaa kooxda uu doono iyadoo Chelsea ay ogolaatay in heshiiskiisii uu dhacay meeshuu rabana uu aadi karo.
Ashley Cole ayaa sidoo kale dalab ka helaya kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Mareykanka iyo sidoo kale kooxda reer France ee As Monaco balse wuxuu doonayaa inuu kasoo muuqdo kooxda Roma madama ay ciyaareyso Champions League.
Sida lagu qoray Football-italia.net Ashley Cole ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis laba sano ah oo uu kaga mid noqonayo kooxda kaalinta labaad ka gashay Serie A-da xiligii lasoo dhaafay.
Profile