Macalin Arsene Wenger iyo kooxdiisa Arsenal waxay xaaqijiyeen todobaadkan inay xili cayaareedka koobka horyaalada Yurub cayaari doonaan sidoo kalena todobaadka dambe Arsenal waxay fursad weyn u hesataa inay ku guuleesato FA Cup-ka macalinkan waaya araga ah guud ahaan xidigahiisa ayuu u mahad celiyay balse wuxuu si gaar ah amaan ugala dul dhacay Mesut Ozil oo xili cayaareedkan Arsenal ku cusbaa inkastoo xidiga reer Jarmal uu dadaalan hadana intii laga filaayay ma uusan la imaanin wuxuuna Wenger yiri “inkastoo Ozil uu xil cayaareedkan Arsenal ku cusbaa hadana dadaal dheeraad ah ayuu muujiyay sidoo kalena dhaawacyo ayaa dhibaateeyeen waxaana intaas usii dheer inay ku adkaatay la qabsiga Premiership-ka balse aniga runtii aadbaan ugu faraxsanahay wixii uu naga soo kordhiyay”
25-jirkan waxay Arsenal bilawgii xili cayaareedkii dhamaaday kusoo iibsatay £42.5m balse kulamo badan ayuu kooxdiisa ka maqnaaday hadaba macalin Wenger oo xidiga la dar daarmayo wuxuu yiri “muran kama taagno Mesut inuu leeyahay xirfad aad u wanaagsan kaliya waxaan ku boorin lahaa inuu jirkiisa isbadal ku sameeyo sidoo kalena uu kubad adago cayaaro haatan si fiican ayuu u fahmay Premiership-ka waxaanka filaa sanadka dambe inuu waji cusub la imaan doono sidoo kalena uu guulo dheeri ah inuu horseedi doono” Mesut Ozil ayaa xulka Jarmalka kala qayb qaadan doono xagaagan koobka aduunka wuxuuna macalin Arsene Wenger xidigan u rajeeyay inuu wacdaro ka dhigo koobka aduunka sidoo kalena uu caalamka tuso kartidiisa dheeriga ah.