Maamulka Arsenal ayaa u duuli doona Spain iyagoo rajeynaya iney Real Madrid kala heshiiyaan saxiixa da’yarka kooxda Alvaro Morata kaas oo mudo badan bartilmaameed u ah kooxda waqooyiga London ka dhisan.
Wenger ayaa mudo badan ku raad joogay xidigaan isagoo ku dhawaaday inuu amaah kula wareego bishii January balse tartanka waxaa xili dambe kusoo biirtay Juventus oo dooneysa iney xidigaan la saxiixato.
Real Madrid ayaa dooneysa iney iska iibiso weeraryahankaan da’da yar iyadoo dooneya iney koox walba kala hadasho qiimaha uu xidigaan u qalmo.
Si Kastaba Arsenal ayaa sameyneysa isku dayigii ugu dambeeyay oo ay kula saxiixanayaan Alvaro Morata inkastoo sidoo kale weeraryahano badan lala xiriiinayo kooxda sida: Manzukic, Benzema & Loic Remy.