Kooxda Arsenal ee ka dhisan waqooyiga magaalada London ayaa saxiixa goolhayaha da’da yar ee da’yarta xulka Finland ku garaacday Liverpool.
18-jirkaan da’da yar ayaa caafimaad ka u maray kooxda Arsenal isagoo saxiixay heshiis sadex sanadood ah oo uu ku joogayo garoonka Emirates Stadium.
Hugo Keto ayaa taageero u ah kooxda Liverpool balse Arsenal ayaa saxiixiisa ku guuleysatay xili kooxda Gunners ay tahay goolhaye la’aan madama uu kooxda joogo kaliya Wojciech Szczesny oo xulka Poland u qabta.
Goolhayihii labaad ee Gunners Lukas Fabianski ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Swansea City ka hor koobka Aduunka.
Keto ayaa ku biiray kooxda da’ yarta ee Arsenal xili Wenger uu kalsooni ku qabo inuu wiilkaan awoodisa ku muujin karo heerka hoose isla markaana uu tartan la gali doono Wojciech Szczesny
Profile