Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Emirates Ku Qaarijisay Newcastle Siina Xajisatay Booskeeda Afaraad Ee Champions League

Arsenal Oo Emirates Ku Qaarijisay Newcastle Siina Xajisatay Booskeeda Afaraad Ee Champions League


Ozil

Arsenal ayaa si raaxo leh uga gudubtay Newcastle ciyaar ka dhacday Emarites, guushaan ayaa Arsenal usaamaxeyso inay sii adkeesato booska 4aad si ay Champion ka ugusoo baxdo sanada danbe, iyadoo 4  dhibcood ka saramartay kooxda Everton oo shucaac kufurtay Arsenal kulamadii danbe, iyadoo rajo weyn kaleheed inay Champion ka usoo baxaan kahor inta aysan iska dilin rajadaas laba gool oo ay iska dhaliyeen ciyaartii Southampton.

Daafaca Arsenal Laurent Koscielny ayaa udaah furay Gunners daqiiqadii 25aad iyadoo ladhibtootay shabaqa kasoo taabtaan Newscastle, Cazorla ayaa dhex kasoo qaaday banooni ladhigay, kubada oo ubaahneed taabasho kaliya ayey kaheshay Koscielny isagoo shabaqa dhex dhigay.

Giroud ayaa kudhibtooday inuu shabaqa galiyo kubada, goolhayaha Newscastle Krul ayaa kusoo baxay weeraryahanka reer France isagoo markii 1aad kabadbaadiyey, markii 2aadna kabadbaadiyey, kubada ayaa iska doonatay kubad qaabeeyaha reer Germany Mesut Ozil isagoo si habsami leh udhamestiray shabaqana dhex dhigay.

Olivier Giroud markii 3aad Gunners usoo taabtay shabaqa ciyaartii caaway, karoos macaan uu soo qaaday Indha yarka reer Germany Mesut Ozil uu madaxa usaaray Giroud isagoo hortaagan goolhayaha kaliya, markaan nasiib ayaa ogolaaday isagoo magaciisa kuqoray goolka seddexaad ee Arsenal, goolkaan ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Aaron Ramsy oo khiyaamay laacibiinta Newcastle isago isaga dhigay inuu meel kale baas laraadinaayo ayuu cirib ugu baasay Ozil.

Taageerayaasha Newscastle ayaa taagtay boorarkoodii ay ugu diyaarsadeen inay kudhaleeceeyaan macalinkooda Alan Pardew iyagoo qaarkood kacodsaday inuu isaga tago kooxda, halka qaar kale ay sheegayeen inay noqon doonto “Raali Galin Cusub” uu soo wado tababare Pardew.

Arsenal ayaa 4ta bisha 5aad soo dhaween doonto kooxda West Brom, haddi ay badiso kulankaas waxey si rasmi ah uxaqiijisaneesa inay usoo baxday Champions League xilli ciyaareedka soo socda.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close