Home » Europe » Champions League » Arsenal Oo Dooneyso In Tababare Antonio Conte Ay Macalin Ka Dhigato Xili Cayaareedka Dambe…

Arsenal Oo Dooneyso In Tababare Antonio Conte Ay Macalin Ka Dhigato Xili Cayaareedka Dambe…


VICENZA-BARI SERIE B 20-09-2008 PH.MARTY

Iyadoo aan la hubin in tababare Arsene Wenger uu heshiis cusub Arsenal u saxiixi doono waxay kooxdan la xariirtay macalinka kooxda Juventus hogaamiyo Antonio Conte, tababarahan dhalinta yar ayaa kusoo baxay macalin tayo wanaagsan kadib markii uu Juve ka dhigay kooxda ugu awooda badan Seriea A-da sidaa darteed Gunners-ka ayaa la dhacsan falsafada macalinkan u dhashay dalka Talyaaniga waxayna Arsenal dooneysaa xili cayaareedka inay hogaankeeda ku aaminto madaama Arsene Wenger uu ka gaabinaayo inuu heshiis cusub qalinka ku duugo.

Sport Mediaset ayaa helay xog la isku haleen karo taasi oo sheegeyso in Arsenal ay macalin Conte si qarsoodi ah ula balantay waxayna kala hadashay inay garoonka Emirates keeni doonto xili cayaareedka dambe madaama macalinkan uusan haatan xiriir wanaagsan la laheen maamulka sare ee kooxda Juve sidoo kale macalin Arsene Wenger qandaraaska uu Arsenal kula joogo wuxuu ku egyahay bartamaha sanadka nagu soo fool leh maamulka Gunners-ka ayaa macalinkan waaya araga ah u bandhigeen dalab qandaraas kordhin ah balse wuu ka gaabsaday waana sababta ku qasabtay Arsenal inay Antonio Conte diirada saarto.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close