Kubad sameeyaha xulka Turkiga sidoo kalena xili cayaareedkan naadiga Atletico Madrid u suura galiyay hanashada La Ligaha iyo inay soo gaarto kama dambeesta koobka horyaalada Yurub ayaa soo dhaweeyay dalabyada kala duwan oo ay usoo direen kooxaha Liverpool iyo Man United sidoo kalena xidigan tayada wanaagsan xiiso gaar ah ayuu u qabaa ka cayaarista Premiership-ka England, sidoo kale xidigan ayaa u waramay wargeska Daily Star asigoo yiri “sharaf weyn ayay ii tahay inay dabagal igu hayaan Liverpool iyo Man United sidoo kalena aadban u xiisyee ka cayaarista Premiership-ka balse weli waxaan ahay cayaaryahan Atletico ka tirsan welina lama gaarin xiligii aan bixi lahaa inkastoo ay wax badan is badali karaan xagaagan”
27-jirkan wakiilkiisa Ahmet Bulut ayaa dhawaan sheegay in kooxaha ugu caansan Premiership-ka England ay lasoo xariireen wuxuuna masuulkan sheegay inay dalabyadan kala dooran doonaan kadiba ay maamulka Atletico kala hadli doonaan sidii Arda Turan loogu fasixi lahaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato dalka England, xidigan tayada wanaagsan sidoo kale kooxah Arsenal iyo Chelsea ayaa ku raad joogaan saxiixiisa waxaana xaqiiqada rasmiga ah la ogaan donaa dhamaadka bisha June marka uu kasoo laabto fasaxa uu haatan ku maqan yahay inu Atletico baaqi kusii ahaan doono ama mustaqbalkiisa inuu meel kale noqon doono.
XUDEYFa SYL
May 30, 2014 at 8:41 AM
Hdi aan nalagu garaacin dhanka qimaha sida kle wa hubaal ilen rda turan wa tegre livrpol taas shki kama qbo lkn c gacn adeeg ayan nahy shiit vivaa cptn and riki lambert