Home » Europe » Champions League » Arda Turan & Diego Simeone Oo Caawa Dhigi Doono Rikoor Hadii Ay Ku Guuleystaan Champions League

Arda Turan & Diego Simeone Oo Caawa Dhigi Doono Rikoor Hadii Ay Ku Guuleystaan Champions League


Diego and Turan

Atletico Madrid Caawo waxay fursad u heesataa inay markeedii ugu horeesay ku guuleesato koobka horyaalada Yurub sidoo kalena koobkan ka dhisan caasimada Spain laacibka khadka dhexe uga cayaaro Arda Turan isaga wuxuu noqon doonaa cayaaryahankii ugu horeeyay ee ebid reer Turkey ah kaasi oo ku guuleesto Champion-ka.

Sidaa darteed caawo Lisbon taariikh xiiso badan ayaa ka dhici karto sidoo kale xidigaha kala ah José María Giménez, Cristian Rodríguez iyo Diego Godín oo dhamaantood reer Uruguay waxay noqon doonaan iyadana xidigahii ugu horeeyay ee reer Uruguay ah kuwaas oo Champion-ka ku guuleestaan halka macalin Diego Simeone uu isagana noqon doonaa tababarihi ugu horeeyay ee aan Yurub u dhalanin kaasi oo tartankan ku guuleesto!

Sidaa darteed Atletico Madrid hadii ay caawo koobkan qaado waxay kusoo kordhin doontaa iskooro cusub inkastoo kooxdan ay ugu dambeesay 40-sano ka hor inay soo gaarto kama dambeesta koobka horyaalada Yurub hadana xili cayaareedkan dhamaan kooxaha reer Yurub ayay ka yaabisay waxayna kulamada kala baxa cagta soo marisay kooxaha AC Milan, Barcelona iyo Chelsea oo dhamaantood tartankan horey ugu guuleesteen sidaa darteed wiilasha Diego Simeone lama dhayilsan karo sidoo kalena weli dhinacooda dhulka lama dhagin tartankan!

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close