Home » Maxaa Cusub » Aqbaar Aan Wanaagsaneyn: Rooney Oo Shaki Weyn La Galiyay Inuu Safan Karo Kulanka Chelsea Vs Man United

Aqbaar Aan Wanaagsaneyn: Rooney Oo Shaki Weyn La Galiyay Inuu Safan Karo Kulanka Chelsea Vs Man United


Rooney

Macalin David Moyes ayaa walaac weyn lasoo daristay kadib markii dhaqaatiirta kooxda Man United ay u sheegeen in Wayne Rooney uusan u diyaarsaneyn inuu ka qayb qaato kulanka adag ee axada dhex mari doono Chelsea Vs Man United, maqnaansha Rooney ayaa ka dhigan in Man United ay axada wajihi doonto dhigeeda Chelsea ayada oo ay ka maqan yihiin labadeeda weeraryahan oo ugu muhiimsan waayo Robin Van Persie ayaa horey ayaa loo shaaciyay inuusan kulankan adag ka qayb qaadan doonin.

Man United bilawgii todobaadkan waxay Rooney iyo qoyskiisa fasax ugu dirtay dalka Masar si uu cimilada diiran ee Waqooiyga Afrika ugu soo raaxeesto kadiba uu diyaar usoo noqdo kulanka Chelsea balse haatan dhaqaatiirta kooxdan ayaa macalin David Moyes u sheegeen in Rooney uu heesto fursad 50% oo uu kulanka Chelsea kaga qayb qaadan karo sidaa darteed macalin Moyes ayaan xidigan halis galin doonon xaaladiisa madaama labadii bilood ee ugu dambeesay oo ka xanuun daran ka sheeganayay dhanka gumaarka, weeraryahankan kulankii ugu dambeesay oo ay kooxdiisa United la cayaartay naadiga Swansea dhaawac ayuu ka maqnaa haatana kulanka ugu adag oo ay kooxdiisa sanadkan 2014 cayaari doonto waxaa siweyn loo hadal hayaa inuusan soo xaadiri doonin.


Waxaa Aqrisay: (233)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia