Home » Maxaa Cusub » Antonio Valencia Oo Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugay Manchester United

Antonio Valencia Oo Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugay Manchester United


426822_heroa

Antonio Valancia ayaa heshiis cusub oo sedex sano ah qalinka ugu duugay kooxda  Manchester United Isagoo Jaanis u heysto inuu heshiis kordhin hal sano ah sameeyo.

Xidigga Garabka ka cayaarayo ee Kooxda Manchester United Katabkana u ah Ecuador oo qandaraaskiisa ka harsanaa Hal Sano ayaa iminka Kooxdiisa Manchester United lasii joogi doono ilaa sanadka 2018, wuxuuna noqonayaa xidigii ugu horeeyey ee heshiis cusub saxiixo tan iyo markii Macalin Van Gaal Loo asteeyey inuu noqdo Macalinka Kooxda.

Caawiyaha Macalinka United Ryan Giggs ayaa Valencia ku amaanay waxqabadka wanaagsan ee Old Trafford Markii la shaacinayey inuu heshiis cusub saxiixay Halka Valancia uu muujiyey inuu sifiican ula shaqeyn doono Macalin Van Gaal.

” Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inuu Antonio saxiixo heshiis Cusub, Wuxuuna muujiyey dadaal dheer tan iyo markii uu 2009 kusoo biiray Kooxda Manchester” Sidaa waxaa website-ka ay leedahay Manchester U Sheegay Giggs.

” Antonio Waa Xidig Awood buuxda iyo Orod Wanaagsan Leh, waana xidig ay ka go’an tahay inuu sii joogo Kooxda Manchester United” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Rug Cadaagaan.

Mar Uu Isna ka hadlay Heshiiskaan Cusub ayuu Antonio Yiri: ” Waqtigii aan Joogay Manchester United waxay ii aheyd riyo ii rumowday, waxaana ku faraxsanahay inaan noqdo Xidigii ugu horeeyey ee u dhashay Ecuador ee haddana ku guuleystay Horyaalka Premier League Ingiiriska, Taasina waa Sharaf usoo hoyatay Wadankegya”.

” Sidoo kale waxaan ku faraxsanahay Inaan Heshiis cusub anigoo jecel inaan la shaqeeyo Macalinka Cusub ee Louis Van Gaal, waxaana rajeenayaa inaan sanadkaan waji cusub la imaano” ayuu hadalkiisa kusoo idleeyey.

Heshiis kordhintaan ayaa imaaneyso Xilli ay saxaafada England hadal hayeen inuu Valencia isaga tagi doono kooxda Manchester United Maadaama uusan ka heysan boos joogto ah.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close