Weeraryahanka Haatan ee Kooxda Parma Antonio Cassano kaas oo xili soo xirtay Maaliyada Naadiga Inter Milan ayaa ka hadlay mowqifkiisa Ku Aadan Macalinka Inter Milan Walter Mazzari kaas oo hatan haaya xilka Kooxdaas.
“Inter waxa ay heysataa tababare weyn, kaasoo aan shaqsi ahaan aheyn Shaqsi Weyn. Waxaanse qabaa inay guulo waa weyn gaari karaan.” ayuu Antonio u sheegay Jariiradda Corriere dello Sport.
“Waxaan ahay xili walba taageeraha Kooxda Inter Milan, Mar Walba ayaana taageri doonaa, Balse Walter Mazzari maya isaga waxba iskama badalin mowqifka aan ka aaminsanaa”
Antonio Cassano ayaa sidoo kale sheegay In Inter Milan ay ku dhameysan karto Booskeeda Champions League xili ciyaareedkaan sidoo kalana Napoli ay kula biiri doonto.
Dhanka Kale Antonio Cassano ayaa ka hadlay kooxda Ku Guuleysaneysa Horyaalka Scudetto wuxuuna sheegay in Juventus ay difaacan doonto Horyaalka Isla markaana markeedii sadexaad ay qaadi doonto.
Ugu dambeyntii Cassano ayaa ka hadlay Wiilka Milan Mario Balotelli kaas oo ay isla xirteen Maaliyadda Azzurri Euro 2012, xili Mario mar walba ay wax ka qoraan jariiradaha talyaaniga.
“Mario Waa Shaqsi wanaagsan”
“Mar walba oo aan arko Mario waxaan xasuustaa sidii markaan ahaa 20-jirka” ayuu Cassano yiri.
Hadalka Cassano ayaa laga fahmayaa in Cassano uu ahaa wiil aan ka dagin jariiradaha Italy xiligii uu ku jiray da’da Mario wuxuuna ahaa wiil aad u fowdo badan.