Home » Europe » Champions League » Angel Di Maria Oo Doonaya In Loo Tixgeliyo Ballon D’Or

Angel Di Maria Oo Doonaya In Loo Tixgeliyo Ballon D’Or


Di Maria

Garabka weerarka kooxda Real Madri Angel Di Maria ayaa aaminsan inuu kasoo muuqan doono liiska u tartamayaasha abaalmarinta Ballon d’Or sanadka dambe madama uu xili ciyaareed dahabi ah ku qaatay garoonk Bernabue.

Di Maria ayaa ah xidigii ka dambeeyay in Real Madrid ay xasuuq gadaal ka gaar ah ku sameyso Atletico Madrid Finalkii Champions League ee dhacay isbuucaan bilawgiisii, sidoo kalana wuxuu ku guuleystay xidiga ciyaarta ugu wanaagsan.

Xidigaha Real Madrid kala tirsan ee Ronaldo iyo Bale ayaa qarin kara waxqabadkiisa magac ahaan, balse 26-jirkaan 11-ka gool shabaqa dhexdhigay xagaagan ayaa aaminsan inuu u qalmo in loo tixgeliyo waxqabadkiisa.

“Mararka qaar waan fahmi waayaa, sababta aan usoo gali la’ahay liiska xidigaha tartamaya, waxaan qaatay xili ciyaareed weyn kuna qaatay koox weyn”

“Halkaan waxaa joogo xidigo guuleystay, wali kuma guuleysan, xitaa sooma galin liiska la magacaabay 10 ama 50-ka ugu fiican, marka ay waxyaabahaas oo kale dhacaan waa inaad shaqo fiican sii qabataa”

“Waa inaad hormarisaa ciyaarahaaga siina korisaa mustaqbalkaaga si aad usii wanaagsanaato”

“Halkaan waxaa joogo xidigo badan oo wax fiican qabtay, balse waxaan qaatay xiligii iigu fiicnaa anigoo ku sugan Real Madrid”

“Waxaan ku guuleysanay Champions League waxaana ahaa xidigii ugu fiicnaa Finalka, sidoo kale sanad wanaagsan ayaan la qaatay xulkeyga”

“Waxaan rajeynayaa in wax walba ay wanaag ku dhamaadaan” Ayuu Di Maria oo FIFA iyo UEFA ogeysiinaya waxqabadkiisa kusoo afjaray hadalkiisa.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close