Kubad sameeyaha kooxda Barcelona Andreas Iniesta ayaa qiray in kooxdiisa ay fashilantay xili ciyaareedkaan madama Atletico Madrid ay ku dabaal dagtay garoonka Camp Nou ee gobolka Catalonia.
Goolkii barbardhaca ee Diego Godin kaas oo yimid qeybtii dambe ayaa Barcelona u diiday iney difaacato horayaalka Spain, waxeyna arintaan horseeday in Atletico Madrid ay qaado 8-sano kadib iyadoo sadex dhibcood ku qaadeysa.
“Wuxuu ahaa dhamaad xun” Ayuu Iniesta ugu waramay Canal Plus.
“Waa inaan u mahad celino Atletico Madrid, waayo wey u qalmeen iney ku guuleystaan horyaalka”
“Waxaan u fashilanay wadajir, waxaan heysanay fursad ilaa bishii March, sidiisa oo kale Atletico wey naga fiicneed waana kooxda abaalmarsan.
Ugu dambeyntii Iniesta ayaa macsaleemeeyay Jamaahiirta Bulgarana isagoo ka codsaday ineysan dhib u arkin xaalada xun ee xili ciyaareedkaan soo wajahday kooxda.