Kubad sameeyaha kooxda Juventus iyo Xulka Azzurri Andrea Pirlo ayaa digniin culus u diray xulka England ka hor kulankooda furitaanka groupka D, kaas oo dhici doona sabtida.
Halyeeygaan Juventus khadka dhexe kaga ciyaaara ayaa iclaamiyay iney qabteen shaqadii guri ee Xulka Sadexda Libaax isla markaana ay garanayaan sida loo garaaco.
“Waan ognahay England iney tahay xul weyn, kuwaas oo hormar cusub sameeyay, lana yimaadeen ciyaartooy da’yar, waxey ku fiican yihiin kaalinta labaad, balse waan garaneynaa sida loo wajaho inagoo ka baranay wax badan maalmihii lasoo dhaafay” Ayuu Pirlo ugu waramay Mirror Foobtball.
“Italy mar walba wey ka adkaata England, waxaana leenahay dabeecado kala duwan oo kubada cagta ah, waxaan u adeegsan doonaa qaabkeena rasmiga ah”
Ugu Dambeynti Pirlo oo 35-jir ah ayaa ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah kadib koobka Aduunka sida uu qudhiisa ku dhawaaqay Shalay.
Dhanka kale Weeraryahanka Xulka England Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday in xulka Sadexda libaax ay ka fiican yihiin xulka Azzurri ka hor kulanooda koobka Aduunka ee sabtida la filayo inuu qabsoomo.
Wiilasha macalin Roy Hodgson ayaa Manaus kula kulmi doona Italy kulankooda ugu horeeya waxaana xidiga United uu aaminsan yahay in England ay ka wanaagsan tahay Italy.
Isagoo ka hadlayay kulankaan Rooney wuxuu yiri: “Runtii wey muuqataa inaan ka hormarnay Italy, labadii sano ee ugu dambeysay”
“Talyaanigu waxey eegayaan naadigeena, waxey heystaan xidigo waaweyn oo nala mid ah, balse ma sameyn karaan waxqabad oo anaga ayey naga walwalsan yihiin” ayuu yiri Rooney mar kale,
“Kooxda aan heysano waa koox leh da’yar badan oo leh awood ku filan, waxaan jeclaan lahaa inaan arko dhaqaqa aan sameynay iyo hormarka”
Sidoo kale Rooney ayaa meesha ka saaray in dhaawaca Welbeck uu daba dheeraado isla markaana uu seego kulanka Italy.