Home » Maxaa Cusub » Andrea Pirlo Oo Bilaabay Inuu Dhageesto Dalabyada Soo Gaaraya Marba Hadii Juve ay Ka Tashatay!

Andrea Pirlo Oo Bilaabay Inuu Dhageesto Dalabyada Soo Gaaraya Marba Hadii Juve ay Ka Tashatay!

Andrea-Pirlo-Juventus1_2863143

Ruug cadaa Andrea Pirlo ayaa isagana dhankiisa fadhiga ka kacay wuxuuna bilaabay inuu isku tashto kadib markii uu quus ka istaagay rajadii uu ka lahaa in maamulka sare ee kooxda Juve inay heshiis cusub usoo bandhigaan sidaa darteed xidigan iyo wakiilkiisa ayaa bilaabeen inay dhageestaan dalabyada kala duwan ee kaga imaanayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu caansan qaarada Yurub, sidaa darteed laacibkan waaya araga ah ayaa dalabyo kala duwan ka helay kooxaha Chelsea, Tottenham, Arsenal, Man United iyo Real Madrid wuxuuna kala dooran doonaa kooxdii usoo bandhigto heshiis isaga qanciyo, Pirlo ayaa 35-sano jirsan doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado balse xidigan weli wuxuu soo bandhigayaa qaab cayaareed aad u wanaagsan sidaa darteed kooxo badan ayaa saf ugu jiraan inay ka faa’ideestaan qibradiisa.

Sida laga soo xigtay wargeska La Gazzetta dello Sport, Pirlo ayaa saluugsan maamulka Juve inkastoo ay xidigan usoo bandhigeen heshiis labo sano oo dheeraad ah iyo 4-milyan oo euro ah inuu sanad walbo qaato balse Pirlo dalabkaas midkaas ka wanaagsan wuxuu ka helay naadiga Tottenham oo u balan qaaday inay sanad walbo siin doonto 5-milyan oo euro ah  iyo sedex sano oo qandaraas ah.

Sidaa darteed ilaa haatan naadiga Tottenham ayaa ah kooxda ugu dhow ee Pirlo heshiis la gaari karto balse tartanka loogu jiro saxiixi ruug cadaagan cirka ayuu isku shareeri doonaa marka uu xili cayaareedkan dhamaad kusii dhawaado madaama saf ay ugu jiraan kooxihii Yurub ugu awooda badnaa.


Waxaa Aqrisay: (123)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>