Inkastoo kubad sameeyahaan reer Belgium uu bartilameed buuxa u yahay kooxda Paris Saint Germain hadana weeraryahanka Jarmalka ah ee kooxda Blues Andre Schurrle ayaa rajeynaya in Hazard uu sii joogi doono Stamford Bridge.
Inkastoo mustaqabalka Hazard ee Blues uu mugdi yar galay kadib markii ay hadalo is dhaafsadeen isaga iyo macalinkiisa Jose Mourinho hadana haatan PSG ayaa soo qaadeysa weerar lixaad leh oio ay ku dooneyso xidigaan.
“Macalinka iyo kooxda wey ogtahay in Hazard uu yahay xidig aan caadi aheyn, waxaana rajeynayaa inuu kusii sugnaado London” ayuu yiri Schurrle.
“Waxaan aaminsanahay in Eden uu ku faraxsan yahay nolosha Stamford Bridge sidoo kalana Jose uu ku faraxsan yahay, isla markaana kooxda ay tilaabo fiican qaadi doonto xiliga soo aadan” ayuu mar kale yiri Schurrle.
“Waan xushmeeyaa mana arkin shaqsi la mid ah oo sidaas u ciyaara, muuqaalkiisa waad la yaabeysaa”
Ugu dambeyntii xidiga reer Jarmal ayaa qiray in kooxda Blues ay diyaar u tahay xiliga soo aadan iney sameyso isbadal muuqda.