Home » Horyaalada » La liga » Alex Song Oo Doonaya Inuu Kusoo Laabto Premier League Xili Ay Doonayaan Man United & Liverpool

Alex Song Oo Doonaya Inuu Kusoo Laabto Premier League Xili Ay Doonayaan Man United & Liverpool


Son

Xidigii hore Arsenal iyo Xulka Cameroon Alex Song ayaa albaabka u furay kooxaha reer England ee doonaya iney dib ugu celiyaan horyaalka Premier League madama xidigaan uu ku caajisay garoonka Camp Nou oo uu kursiga keydka daris kala noqday.

Song oo 26-jir ah ayaa haatan ka tirsan Barcelona wuxuuna ku biiray 2012 isagoo kasoo hayaamay kooxda Arsenal waxaana haatan uu dalab ka helay kooxaha Manchester United iyo Liverpool.

Si Kastaba Song ayaa looga soo qaadan karaa Barcelona 15- Malyan Oo Euro, waxaana uu fursad u heystaa inuu la midoobo kabtankiisii hore Arsenal Robin Van Persie oo ku sugan Old Trafford.

Song ayaa ka hadlay xaaladiisa Barcelona wuxuuna xidigaan daneynayaa ku laabashada Premier League hadiiba uu ka tagayo Barcelona.

Hadii aan ka tagayo Kooxda Barcelona waxaan dib ugu laabanayaa horyaalka Ingiriiska

Dhanka kale Arsenal ayaa iyana baahi weyn u qabto iney dib usoo ceshato Song madama ay u baahan tahay xidigo khadka dhexe oo awood u yeela naadiga.

Arteta iyo Flamini ayaa lagu wadaa iney ka hayaaman kooxda kuwaas oo da’du ay u run sheegtay madama ay kooxda ka caawin waayeen iney heerarka sare ku dhameysato kadib dhaawacyo soo gaaray da’yarta kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close