Home » Europe » Champions League » 8-Xidig Oo Uu Ku Jiro Cristiano Ronaldo Kuwaas Oo Halis Ugu Jiraan Daal Awgiis Inay Koobka Aduunka Soo Bandhigi Waayaan Qaab Cayaareed Wanaagsan!

8-Xidig Oo Uu Ku Jiro Cristiano Ronaldo Kuwaas Oo Halis Ugu Jiraan Daal Awgiis Inay Koobka Aduunka Soo Bandhigi Waayaan Qaab Cayaareed Wanaagsan!


Cristiano Ronaldo

 

Cristiano Ronaldo oo ah laacibka aduunka ugu wanaagsan wuxuu halgan ugu jiraa sidii uu koobka aduunka uga soo muuqan lahaa madaama xidigan ay dhibaateen dhaawcyo kala duwan oo uu ka qabo muruqa iyo jilibka sidoo kalena Cristiano Ronaldo weli uma suura galin inuu xulkiisa Portugal u safto kulamadii saaxiibtinimo oo ay cayaareen inkastoo uu haatan sameeyo tababar fudud hadana shaki weyn ayaa ku jiro inuu kulanka ugu horeeyo oo ay xulkiisa koobka aduunka la cayaari doonaan xulka Jarmalka inuu safto sidoo kale waxaa jiraan xidigo badan oo ku sugan xaalada Ronaldo kuwaas oo daal badan haayo madaama ay kulamo badan kooxahooda xili cayaaredkan u safteen lagana cabsi qabo daal awgiis inaysan qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigin koobka aduunka:

8. Yaya Toure: xili cayaareedkan wuxuu Man City u saftay 49-kulan.

7. Santi Cazorla: xili cayaareedkan wuxuu Arsenal  u saftay 46-kulan.

6. Eden Hazard: xili cayaareedkan wuxuu Chelsea u saftay 49-kulan.

5. Sergio Ramos: xili cayaareedkan wuxuu Real Madrid u saftay 52-kulan.

4. Philipp Lahm: xili cayaareedkan wuxuu Bayern Munich u saftay 48-kulan.

3. Patrice Evra: xili cayaareedkan wuxuu Man United u saftay 46-kulan.

2. Lionel Messi: xili cayaareedkan wuxuu Barcelona u saftay 46-kulan.

1. Cristiano Ronaldo: xili cayaareedkan wuxuu Real Madrid u saftay 47-kulan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close