Horyaalka England waxaa dhawaan laasoo saaray isku aadkiisa sidoo kalena saxaafada aduunka maalin walbo waxay hadal heysaa xili cayaareedka 2014/15 madaama koox walbo ay diyaar garow adag ugu jirto sido kalena xidigo tayo wanaagsan ay suuqa Yurub ka baadi goobeyso balse waxaa si gaar ah looga hadlay xidigaha haatan horyaalkan ku sugan oo la filaayo inay xili cayaareedka nagu soo fool leh ku loolamaan kabaha dahabka Premiership-ka waxaa naga xasuusin ah in xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday in Luis Suarez uu gool dhalinta EPL ku qaaday 31-gool hadaba waxaa la sadaaliyay in 5-weeraryahan midkood uu gool dhalinta horyaalkan xili cayaareedkan soo aadan ku guuleesan karo waxayna xidigahaas kala yihiin:
Olivier Giroud (Arsenal): xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 22-gool ayuu dhamaan tartamada kala duwan dhaliyay.
Loic Remy (QPR): xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 14-gool ayuu EPL ka dhaliyay.
Wilfried Bony (Swansea City): xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 17-gool ayuu EPL ka dhaliyay.
Stevan Jovetic (Man City): inkastoo dhaawacyo ay hareeyaan xili cayaareedkii dhawaa hadana xidigan waa laacib tayo wanaagsan oo laga filan karo inuu EPL wacdaro ka dhigo.
Daniel Sturridge (Liverpool): xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 20-gool ayuu EPL ka dhaliyay
Profile