Home » Maxaa Cusub » 23-ka Xidig Ee Xulka Mexico U Matali Doona Koobka Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay

23-ka Xidig Ee Xulka Mexico U Matali Doona Koobka Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay


Hernandez

Javier Hernandez ayaa hogaaminaya xidigaha 23-ka ah ee xulka Mexico u matali doona koobka aduunka kaas oo bisha June ka furmi doona dalka Koonfurta Ameerika ku yaala ee Brazil.

Xidigii hore kooxaha Tottenham & Barcelona Giovani Dos Santos ayaa ku jira liiska intaasna waxaa sii dheer in wali xulka Mexico uu kabtan u yahay daficii hore Barcelona Rafael Marquez.

Xulka Mexico ayaa ku jira Group A oo ay ku wehliyaan: Brazil, Croatia & Cameroon.

Sida la rajeynaayo Carlo Vella oo horay ugu ciyaari jiray Arsenal haatana ka tiran kooxda Real Sociedad ayaa laga tagay kaas oo aan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin xiriirka dalka Mexico tan iyo 2011 uma safan xulka.

Xiliga kama dambeysta ah ee Xiriirka FIFA ay ka doonayaan in xulalka ay kusoo gudiyaan 23-ka xidig ayaa ku eg 2-June.

Goolhayayaasha: Jose de Jesus Corona (Cruz Azul), Guillermo Ochoa (Ajaccio), Alfredo Talavera (Toluca).

Daafacyada: Miguel Layun (America), Carlos Salcido (Tigres), Paul Aguilar (America), Andres Guardado (Bayer Leverkusen), Hector Moreno (Espanyol), Francisco Javier Rodriguez (America), Diego Reyes (Porto), Rafael Marquez (Leon).

Khadka Dhexe: Juan Carlos Medina (America), Jose Juan Vazquez (Leon), Luis Montes (Leon), Hector Herrera (Porto), Isaac Brizuela (Toluca), Marco Fabian (Cruz Azul), Carlos Pena (Leon).

Weeraryahanada: Oribe Peralta (Santos), Javier Hernandez (Manchester United), Giovani dos Santos (Villarreal), Raul Jimenez (America), Alan Pulido (Tigres).


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close